Ku Labo Jibaaro Fursadahaaga
Iska Joojinta Taageerid Lacag La’aan Ah

Wac 1-800-784-8669 si aad
isugu diiwaangeliso Af Soomaali.

Caawinaad Lacag La’aan ah Si Aad Isaga Joojiso Habkaaga

Quit Partner waa habka lacag la’aan ah ee Minnesota looga joojiyo nikotiin-ka, oo ay ka mid yihiin sigaar cabista, cabista sigaarka elektroniga ah iyo tubaako calaajinta. Waxaan kugu taageeri karnaa joojintaada tababar ah qof-iyo- qof iyo qalabyo kale oo waxtar leh. Mar walba oo aad noo baahatid, waxaan halkan u joognaa inaan ku caawinno 24/7.

Isbarbar dhig Siyaabaha La isaga Joojiyo

Iskaga Jooji Qalabyo Caawinaad oo Lacag La’aan ah

Isaga jooji sigaar cabidda, cabidda sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada hab adiga kuu gaar ah adoo dooranaya qalabyada lacag la’aanta ah ee aad rabto inaad isku daydo.

  • Enroll for free medications

    Daawooyin Lacag La’aan ah

    Isdiiwaangeli si aad u hesho sharootada (patches), xanjo ama nacnaca lozenges-yada ee nikotiinka oo kugu filan labo usbuuc.*

  • Enroll for text messages

    Farriimo Qoraal ah

    Hel talooyin, xusuusinno iyo dhiirrigelin toos loogu soo dirayo taleefankaaga.**

  • Enroll for emails

    Imaylo

    Hel imaylo joogto ah si ay kuu taageeraan inta aad iska joojineyso.**

ama

Iskaga Jooji Tababar Lacag La’aan ah

Kaga hel tababbar qof-iyo -qof ah taleefanka ama online-ka tababarayaal tababarsan oo caawiya dadka adigoo kale ah maalin kasta. Kaliya markaad is-qorto, waxaad awoodi doontaa inaad isticmaasho qalabyadaa lacag la’aanta ah si ay kaaga caawiyaan joojinta sigaar cabista, cabida sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada.

  • Enroll for coaching

    Tababar lagu sameenayo taleefanka, fariin qoraal ah*** ama khadka internet-ka.

  • Enroll for patches, gum or lozenges

    Sharooto, xanjo ama nacnaca lozenges-yada ee nikotiinka*

  • Enroll for text messages

    Farriimaha qoraalka ah**

  • Enroll for emails

    Imaylo**

  • Enroll for a welcome package

    Xirmo soo dhaweynta

*18+ **13+ ***13–24

Ka Ogow Wax Sii badan Barnaamijyadeena Iswata

My Life, My Quit

Barnaamij Iska Joojinta oo loogu talagalay Dhallinyarada Keliya

Noloshayda, Iska Joojintayda (My Life, My Quit™)

Haddii aad tahay dhallinyar ee ah da’da u dhaxaysa 13-17 oo aad rabto in lagaa caawiyo joojinta cabista sigaarka elektroniga, cabista sigaarka ama isticmaalka waxyaabaha kale ee tubaakada ganacsiga ah laga sameeyo, barnaamijkan gabi ahaan lacag la’aanta ah oo qarsoodiga ah ayaa adiga laguugu talagalay.

The American Indian Quitline

Khadka-Iska-Joojinta Hindida Mareykanka (American Indian Quitline)

Waxaa lagu sameeyey iyadoo laga helay hagis bulshada, American Indian Quitline waxay bixisaa taageerid gabi ahaan lacag la’aan ah oo si gaar ah loo sameeyey in ay ku caawiso adiga, ama qof aad taqaano, inaad iska joojisaan tubaakada ganacsiga.

Behavioral Health

Caawinaad loogu talagalay dadka la nool Jirro Maskaxeed ama Ubartay Maandooriye kale

Haddii aad la nooshahay cilladda isticmaalka maandooriye ama jirro maskaxeed, sida walaacyo, PTSD ama cillada dhimirka ee laba-cirifoodka (Bipolar), waan fahansanahay in joojinta nikotiinta ay noqon karto wax aad u dhib badan, sidaa darteed waxaan abuurnay taageero adiga kuu gaar ah si ay kaaga caawiyaan joojinta sigaar cabidda, cabidda sigaarka elektrooniga ah ama calaajinta tubaakada.

Pregnancy Program

Caawinaad Haddii aad Uur Leedahay

Waan fahamsanahay in u-barashada nikotiinka uusan iska tagin kaliya sababtoo ah inaad uur leedahay. Taageerideena oo aan xukun lahay waxay kaa caawini kartaa inaad iska joogiso adigoon ku darin walbahaarka haysashada ilmo yar.

Talooyin iyo Taageer

Baro dhowr siyaabood/hab oo aad u wanaagsan oo aad ku bilaawdo ama sii wado iska joojintaada.

Baro Wax Dheeraad Ah

Caawimaada Caafimaadka ama Daryeelka-Minnesota (MinnesotaCare)

Baro sida aad ku heli karto dawooyinka iska joojinta ee dhakhtarku qoro oo lacag la’aan ah adigoo la hadlaya dhakhtarkaaga.

Baro Wax Dheeraad Ah

Xirfad-yaqaanada Daryeelka Caafimaadka iyo Xirfad-yaqaanno kale

Baro sida loogala hadlo bukaanada, macaamiisha, ardayda, dadka-diinta-ku-dhaqma iyo shaqsiyaadka kale Quit Partner.

Baro Wax Dheeraad Ah

Ku Saabsan Quit Partner

Wax dheeraad ah ka baro barnaamijkeena oo u hel jawaabo su'aalaha badanaa la isweydiiyo.

Baro Wax Dheeraad Ah

Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?

Isdiiwaangeli (opens new window)

Ama wac: 1-800-784-8669 si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka: 36072*

*Da'aha 13-24 jir