Talooyin iyo Taageer > Wadaag Sheekada Iska Joojintaada

Wadaag Sheekada Iska Joojintaada

Miyaad ku dhexjirtaa iska joojinta tubaakada ganacsiga? Miyaad mar dhow isaga joojisay si kama dambeys ah? Meel kasta oo aad ka joogtid wadada iska joojintaada, wadaagida sheekadaada waxay kaa caawini kartaa inaad ku jirto dhiirigelin iyo aad dhiirrigeliso dadka kale, sidoo kale. Yaa og - waxaad noqon kartaa sababta qof kale uu isaga joojiyo!

Bilow Qorista Sheekadaada

Waxaan rabnaa inaan ogaano sida ay kuugu aheed iska joojintaada. Maxaa kugu kalifay inaad go’aansato iska joojinta? Sidee ay noloshaadu isu badashay ilaa markii aad iska joojisay? Kuwaasi waa uun bilaawida fikirado; wadaag wax kasto oo aad doonto ee ku saabsan wadada iska joojintaada.

250 xarfood

Soo Gudbi Sawirkaaga

Noosheeg Wax Kugu Saabsan

Wadaagista macluumaad yar oo ku saabsan qofka aad tahay ayaa ka caawineysa dadka kale in ay ku xirmaan sheekadaada. Waxaa laga yaabaa inaan wadaagno magacaaga hore iyo magaaladaada haddii aan soo bandhigno sheekadaada.

Waxaan xaqiijinayaa inaan ahay 18 jir ama ka weyn.*

Waan oggolahay inay Quit Partner wadaagto sheekadeyda. Marnaba wadaagi mayno macluumaadka xiriirintaada ama u isticmaali mayno wax kale ilaa aad adigu noo oggolaato.*

Waan akhriyey oo oggolahay Ogeysiiska Asturnaanta.*

Miyaad taqaan qof ka faa'iidaysan kara barnaamijyadeenna? Waxaan kugu caawini karnaa inaad u dirto macluumaadka saxda ah adoon u muuqan inaad ku qasbaysid.

Baro Wax Dheeraad Ah

Xir

Sawirka iyo Siideynta Sheekada

Waxaan oggalaasho u siinayaa Quit Partner, oo ah barnaamij Waaxda Caafimaadka ee Minnesota, in ay u isticmaalaan sawirkeyga iyo/ama sheekada qoran ee aan u soo gudbinayo iyada oo qayb ka ah ama la xiriira soosaarista daabacaadda Quit Partner iyo soo bandhigyada ah maqal-muuqaal oo ah wixii qaab ama hab la heli karo.

Waan fahansanahay oo waan oggolahay in sheekadayda qoran, oo uu la socdo sawirkeyga, magacayga, iyo magaaladayda, laga yaabo in si bulsho ah loo qaybiyo ama loo soo bandhigo taasoo lala xiriira barnaamijyada macluumaadka Quit Partner iyo waxqabadyadeeda, oo ay ka mid tahay la wadaagida warbaahinada guud iyo wada-hawgalayaasheena caafimaadka dadweynaha.

Waan ka tanaasulayaa wixii xuquuq ah oo aan siidayn waxii sheegasho ah ama sababaha ficil laga yaabo inaan diido, ka hortago ama raadiyo magdhow ee siideynta, daabacaadda ama u adeegsiga sawirkeyga iyo/ama sheekadeyda qoraalka ah sida ku xusan Xeerka Dhaqanka Xogta ee Minnesota (Xeerarka Minnesota, cutubka 13, ) iyo wixii sheegasho ah ama sababa ficil laga yaabo inaan ku salaysto, oo ka imanaya ama la xiriira waxyeelida asturnaanta.

Waxaan ahay ugu yaraan 18 sano jir waxaana maskax ahaan awood u leeyahay inaan saxeexo siidayntan.

Waan akhriyay sii deyntan kahor intaanan saxiixin oo waan oggolahay shuruudaheeda.

Waan akhriyey waana oggolahay shuruudaha korka ku qoran. Waan fahansanahay in dukumintigan loo soo gudbin doono si elektaroonig ah. Marka aan ku saxeexo magacayga hoos, waxaan oggolaanayaa siideyntan.

Saxeex elektroniga ah

taariikhda

Xir

Ogeysiiska Asturnaanta Xogta/Digniinta Tennessen

  • Quit Partner (oo ah barnaamij ka tirsan Waaxda Caafimaadka ee Minnesota) wuxuu kaa codsanaya inaad siiso macluumaadka foomkan ku qoran si uu u uruuriyo sheekooyin uu u isticmaali karo inuu ku ogeysiiyo oo uu ku baro dadweynaha barnaamijyada Quit Partner iyo waxqabadyadooda iyo uu ku dhiirrigeliyo dadka kale inay sigaarka iska joojiyaan.
  • Sharci ahaan waajib kuguma aha inaad soo gudbiso wixii macluumaad ah ee lagaa codsaday waana diidi kartaa inaad sidaas sameyso. Cawaaqibta keliya ee ka imaanaya inaadan bixin macluumaadka waa in uusan Quit Partner awoodi doonin inuu wadaago sheekadaada. Khasab kuguma aha inaad soo gudbiso sheeko ama wixii macluumaad ee lagu codsaday foomkan si aad uhesho Adeegyada Quit Partner.
  • Sheekada, sawirka, magaca hore, iyo magaalada aad soo gudbiso waxaa loo diyaarin doonaa in si bulshad ahaan looga heli karo daabacaada Quit Partner ama bandhigyadiisa, oo laga yaabo in laga dhigo wax lagu heli karo online-ka ama lala wadaago warbaahinada guud ama wada-hawlgalayaasheena caafimaadka dadweynaha.
  • Quit Partner lama wadaagi doono cinwaanka imaylkaaga dadka aan ahayn kuwa hoos ku taxan, laakiinse laga yaabo inay u isticmaalaan cinwaanka imaylkaaga inay kaala soo xiriiraan macluumaad dheeraad ah owgeed.
  • Macluumaadka aad soo gudbiso waxaa sidoo kale loo sii dayn karaa sida soo socota:
    • Ku socota shaqaalaha Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ama qandaraasleyaasha warbaahinta Quit Partner ee MDH oo ay shaqadoodu si macquul ah ugu baahato helida xogta;
    • Iyada oo uu u baahdo amar maxkamadeed;
    • Qof kasta ama hay'ad kasta aad adigu u oggolaatay inay helaan xogta;
    • Qof kasta oo kale oo uu u oggolaaday sharciga gobolka ama federaalka inuu helo xogta.

Waxaan qirayaa inaan helay ogeysiiskan asturnaanta.