Wadida Iska Joojintaada
Qof walba wuxuu leeyahay hab duwan oo uu isaga joojiyo, laakiinse waxaa jira hal shay oo ugu badnaan dadka oo dhan ay wadaagaan: iyagoo la kulmaya dhawr caqabadood inta ay wadaan iska joojinta. Oo caqabadahaasna? Wax dhibaato ah kama jirto. Haddii aad dib ugu laabato oo aad isticmaasho tubaakada ganacsiga adigoo ku jira iska joojintaada, waxa ugu muhiimsan ee aad sameyneyso waa inaad sii waddo isku dayida iska joojinta. Waa kuwan talooyin wax tar leh oo aad isticmaali karto si aad u wado iska joojintaada markii ay wadida iska joojinta ay adkaato.
Hel Habab Caafimaad leh oo lagula tacaali karo walbahaarka/Istereska
Dib uga fikir sababta aad u bilaawday isticmaalka tubaakada ganacsiga. Dadka badankood, waxay la xiriirtaa yareynta walbahaarka/istereska. Hasa ahaatee, hadda adiga oo ka shaqeynaya iska joojinta, waa wax muhiim ah in la helo habab kale oo lagu maareeyo walbahaarka adigoon isticmaalin tubaakada ganacsiga. Waa kuwan dhowr habab oo lagu bilaabo.

Sii wad isku dayida
Dadka oo dhan waxay leeyihiin hal shay oo ay wadaagaan: la kulanka dhawr caqabado inta ay wadaan iska joojinta. Sii wad isku dayida; dadka badankood waxay ku qaadataa dhowr isku dayid si ay isaga joojiyaan.

Niyadda Dhiso
Diiradda saar faa'iidooyinka iska joojinta iyo waxa aad heleyso halkii aad eegi laheed waxa aad iska dhaafeyso. Meel ku qoro kuwaas si aad naftaada u xusuusiso.

Raadso Caawimaad
La xiriir asxaabtaada iyo reerkaaga si aad ula wadaagto ujjeedooyinkaaga/yoolalkaaga – iyo halgankaaga. Waxay kugu caawini karaan inaad adkeysi ku jirto oo ku xasuusinayaan sababaha aad isga joojineyso. Ma aha inaad kali ahaan u wado.

Naso
Nasashada baryahan waxaa laga yaabaa inay noqoto wax adag haddii aad ka baxdo hawlaha aad caadi ahaan u samayso ama aadan awoodin inaad la kulanto asxaabta iyo reerkaaga si badan. Isku day inaad wax akhrido, taleefan kula hadasho, neefsasho qoto dheer qaadato, bannaanka u baxdo ama sameyso jimicsiga yoga-da.

Firfircooni Lahoow/dhaqdhaqaaqid Ku Jir
Waxaa laga yaabaa baryahan inaad ku sii jirto guriga, laakiinse taasi micnaheedu ma ahan inaad ahaato qof aan dhaqdhaqaaqin—isku day inaad socsocod u baxdo, baaskiilkaaga wado, ama aad ku sameyso jimicsi guriga. Samaynta wax kaa dhaqdhaqaajinaya waxay kaa caawineysaa inaad maskaxdaada dajiso oo waxay kuu fududaynaysaa inaad la tacaasho caqabadaha cusub. Ku bilow wax yar oo sii wad dhaqdhaqaaqa illaa aad ka dareento fiicnaan.

Jirkaaga shidaal Sii
Hel cuntooyinka saxda ah ee isku qasan—oo ay ku jiraan cuntada/macmacaanka aad jeceshahay—si ay naftaada u lahaato tamar buuxda. Iskuday cunto kala duwan si aad u hesho wax caafimaad iyo dhadhan fiican leh.
Diyaar ma u tahay inaad bilowdo?
Isdiiwaangeli
Ama wac: 1-800-784-8669 si aad isugu diiwaangeliso Af Soomaali.
Ama dhalinyarada da’da yar/dhalinyarada qaangaarka ah ayaa u diri kara qoraalka “Start” lambarka: 36072*